Maxaa looga hadlay kulanka Muuse Biixi Cabdi iyo safiirka Denmark?

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabiley safiirka Denmark u qaabilsan Soomaaliya Amb. Mette Knudsen oo uu wehliyo ku xigeenkeedu Nina Berg.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in kulanka diirada lagu saarey mashaariicda horumarinta iyo doorashooyinka dib-u-dhacyadu hareeyeen ee maamulka Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in shirka lagu soo qaadey wada-xaajoodyadda hakadka ku jira ee dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo qorshuhu ahaa in dib loo bilaabo.

Beesha Caalamka ayaa lagu waramayaa in ay dedaal badan gelineyso sidii dhinacyada miiska wada-hadalka isugu imaan lahaayeen, mustaqbalka dhow.

Hogaanka dowlada federaalka iyo Somaliland oo ku celceliyay in ay diyaar u yihiin wadahadalka ayaanan qaadin talaabo dhaafsiisan hadalkooda.

"Ugu danbayntiina waxa kulankaa lagu soo qaaday nabadgelyada mandaqada geeska Afrika sidii loo adkayn lahaa loogana wada socon lahaa," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Biixi ayaa kasoo muuqday kulanka oo dibadjoog ka ahayd saxaafada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM