Maxay tahay sababta Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI looga yeeray CID-da?

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Maanta looga yeeray Xarunta CID-da magaaladda Hargeysa, oo su'aallo ka waydiisay arrimo la xiriira hadallo uu jeediyay, oo ku weeraray siyaasadda Muuse Biixi.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa dhawaan sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu haysto Baasaboorka dalka Jabuuti, oo ku aado safaradda dibadda, taasoo abuurtay xaaladda xasaasi ah, oo ka taagan Madaxtooyadda.

Muuse Biixi ayaa kahor inta uusan Madaxweyne noqon ayuu haystay dhalashadda Jabuuti, kaasoo aan jirin meel uu ku celiyay markii uu Madaxweyne ka noqdey Somaliland, waxayna jebinaysaa arintaas dastuurka Maamulkan, sida WADDANI sheegay.

Hadalkan ayaa CID ugu yeertay Xirsi inuu ka jawaabo, waxaana saakay uu tagey xarunta Hargeysa, halkaasoo Warbaahinta maxaliga kusoo tebisay in mas'uuliyiin badan oo WADDANI katirsan inay goobta tageen.

Xisbiga WADDANI ayaa sheegay inay caddeymo u hayaan inuu Muuse Biixi wali haysto Baasaboorka Jabuuti, islamarkaana taasi tahay "qiyaanno qaran", maadaama uusan dastuurka qabin in qof haysta dhalashada dal kale inuu Madaxweyne ka noqdo Somaliland.

Somaliland ayaa kusoo dhaw doorashadda, waxaana tartanka uu yahay mid adag sanadkan, iyadoo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed, oo ay kamid yahay qorshaha Muuse Biixi inuu kordhiya xisbiyadda siyaasadda May 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM