Maxkamadda Hargeysa oo ka hor-timid xayiraada Horn Cable Tv

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maxkamadda magaaladda Hargeysa ayaa Talaadada maanta ah waxay kasoo horjeesatay xayiraadii telefishinka maxaliga ah ee Horn Cable Tv.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa amartay in muddo todoba maalmood ah xabsiga lagu sii haayo Cabdishakuur Dhayib, tifatirihii Horn Cable Tv, kaasoo xeer-beegtada la hor-geeyay.

Wariyaha ayaa la xiray shalay markii ciidamadda ammaanka ay weerar ku qaadeen xarunta Tv-ga ku leeyahay caasimadda maamulka gooni u goosadka ah.

Booliska ayaa hakad geliyey howlihii Tv-ga. Balse go’aanka maxkamadda wuxuu farayaa in shaqooyinkii si caadi ah u sii wato ayna sharci darro ah ruqsad kala noqoshadda.

Dhinaca kale, Ciidamada amaanka ayaa xabsiga u taxaabay Gudoomiyihii degmada Berbera ee xisbiga Waddani, Mr Abdiraxmaan Hussein Gambo, sidda wararku tibaaxayaan.

Warfidiyeenada Boorama ayaa kusoo waramaya in Xaawo Rooble oo ah Guddoomiyaha garabka haweenka Xisbiga Wadadani ee Gobolka Awdal si lamid ah xabsiga loo taxaabay.

Gambo ayaa noqonayaa mas'uulkii shanaad oo ka tirsan Waddani kaasoo jeelka loo dhaadhiciyo, taas oo qayb ka ah talaabooyinka xukuumadda ka dhanka ah mucaaradka.

Xarunta Xuquuqul Insaanka iyo Ururo saxaafadeed ayaa si wadajir ah u cambaareeyay "xadgudubyadda" liddiga ku ah mucaaradka iyo warbaahinta madaxa banaan.

Geesta kale, bilayska ayaa lasoo warinayaa in ay la wareegeen xarumihii xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ku leeyahay magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo.

Talaabadan ayaa lagu macneeyay isku day la doonayo in lagu baajiyo isu soo baxyo balaaran oo xisbigu iclaamiyey in ay ka qabsoomayaan gobolada Somaliland.

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi iyo mucaaradka ayaa isku maandhaafsan doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka oo muddo shan jeer ah dib u dhac ku yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM