Midowga Yurub oo cambaareeyay dil Somaliland ku fulisay 6 qof

Image

HARGEYSA, Somaliland – Midowga Yurub ayaa si xoogan u cambaareeyay xukun dil toogasho ah oo shalay ay Somaliland ku fulisay lix maxbuus.

Danjiraha EU-da u qaabilsan Soomaaliya, Nicolas Berlanga, ayaa "xadgudub" ku tilmaamay dil-wadareedka ka dhacay xabsi ku yaalla Hargeysa.

Midowga Yurub ayaa sheegay in dilalka noocan ah ay jebinayaan xeerarka caalamiga ee xuquuqda aadanaha.

Xeer-ilaalinta Somaliland ayaa sheegtay in shaqsiyaadka xukunka lagu fuliyey lagu helay dambiyo lagu eedeeyay oo ah dil, wallow calaamad su'aal la geliyey in ay heleen nidaam garsoor oo cadaalad ku dhisan.

Sidda ay wararku sheegayaan, laba kamid ah xubnaha la toogtay ayaa loo haystay eedeymo ku saabsan in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Dilka ayaa noqonaya midkii ugu horeyay oo degaanada Somaliland laga fuliyo mudo ka badan 10 sano.

Somaliland ayaa kamid ah maamullada ay ka jiraan caburinta xorriyada hadalka iyo saxaafadda madaxa-banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM