Mustafe Qodax oo dib ugu laabtey magaalada Hargeysa

Image

HARGEYSA, Somaliland - Mustafe Qodax, oo dhowaan iska casilay xubinimadda Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Isniinta maanta ah ka degay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Mudanaha wuxuu horey u sheegay in uu ka tanaasulay aragtida midnimadda Soomaaliya.

Siyaasiga oo cafis ka dalbadey maamulka Muuse Biixi Cabdi wuxuu u tartamay xilka afhayeenka Senate-ka dowladda federaalka.

Gudaha Somaliland, siyaasiga wuxuu xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ka noqdey xoghaye, halka uu Agaasime ka ahaa Wasaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyaradda.

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaan wali ka hadlin socdaalka Mustafe Qoodax oo farxad ka muujiyey ku laabashadda Hargeysa.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse aduunka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga Muqdisho.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi-Galbeed ayaa qaarkood markii ay ku hungoobaan danahooda federaalka waxay dib ugu laabtaan degaankooda markii laga aqbalo cafis ay codsadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM