Muuse Biixi oo amar cusub siiyay Ciidamada Somaliland ee ku sugan Tukaraq

Image

HARGEYSA, Somaliland - Taliyaha ciidamada Milatariga Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani, ayaa shaaca ka qaaday in Muuse Biixi uu ku amray in aysan dhaafin tuuladda God-qaboobe oo qiyaasyii 7 KM u jira Aaga Tukaraq oo ay isku hor-fadhiyaan iyaga iyo ciidanka Puntland.

Wuxuu tilmaamay in qabsashada Tukaraq 8-dii January ee sanadkaan 2018 ay ku qaadatay muddo 21-sano ah, islamarkaana tirro saddex goor ah ay yimaadeen God-qaboobe, oo Somaliland ku doodeyso inuu yahay xadkeeda.

"Madaxweynaha ayaa halkaan nagu amray inaan joogno. Beesha Caalamkuna way ogoshahay. Inaga iyo ciidamada naga soo horjeeda waxaan isku jirnaa 7-KM," ayuu Taliye Taani a u sheegay saxaafadda.

Tuuladda God-qaboobe ee ka tirsan gobolka Sool, ayaa ku dhaw Tukaraq, oo 180-KM magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer halkaasi oo ah meesha ay ciidamada Somaliland kasoo duuleen marka hore.

Wuxuu cadeeyay Taliyaha in aysan qaadi doonan dagaal kale, oo ayna sii joogi doonan tuulladda God-qaboobe, illaa iyo amar dambe oo uga yimaadda Madaxweynaha maamulka Hargeysa Muuse Biixi Cabdi.

"Xadka wuxuu noo jiraa haatan 55 ama 60-KM, waana magaaladda Garoowe dusheeda, balse waxaan dooneyno waxay tahay nabad," ayuu taliyaha kusoo gaba gabeeyay hadal-jeedintiisa.

Hadalka Taliyaha, ayaa kusoo beegmayaa iyadoo dhinacyadda isku haya tuulada Tukaraq ay kala kulmayeen bilooyinkii u dambeeyay Beesha Caalamka cadaadis ku aadan joojinta colaadda ka taagan Sool.

Mudooyinkii dambe, Somaliland ayaa ku cel-celinaysay inay gaari doonto Xadka uu siiyay Gumeystihii Ingiriiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM