Muuse Biixi oo difaacay kulankii uu la qaatay wasiirada Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu laabtey Hargeysa ayaa wuxuu difaacay sawirkii iyo kulan uu Xajka 2019 uu kula yeeshay wasiirada ka tirsan xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya.

Isa-araga madaxda aragti ahaan ku kala duwan siyaasadda oo dhaliyey hadalheyn ayaa waxay labadda dhinac meesha ka saarey in uu quseeyay siyaasad.

Xisbiyadda mucaaradka Somaliland oo ka fal-celiyay sawirkaasi ayaa su'aal geliyay mowqifka Biixi ee qadiyadda gooni isu taaga maamulkaasi, wallow uu iska fogeeyay arrintaasi.

"Sawirka aynu wada galnay qolada Koonfurta, aad uga mahad-naqayaa shacbiga Somaliland, sida feejigan, xamaasada leh, dhiig-furan, dal-jeceyl ah, oo waxay qoonsadan uga jawaaban, aad baan u soo dhaweynayaa," ayuu ku bilaabay.

Somaliland ayaa madax banaani sheegata tan iyo 1991-dii, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga dowladda Soomaaliya.

"Sida ay markiiba uga jawaabeen waxay ku tusineysaa dal-jeceylkooda iyo sida meel walba looga wada siman yahay, waxayna ku siineysaa dhiirogelin," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo u muuqda mid ammaanaya dadweynaha.

Inkasta oo uusan soo hadal-qaadin ajendaha kulankaasi, haddana Muuse Biixi oo luqad adag adeegsanaya ayaa wuxuu ku eedeeyay xisbiyadda mucaaradka "marin habaabinta rayidka".

"Afartan sano ayaan mucaarad ahaa, markaa caqli noqon-meyso teeda, tu kalena socon meyso. Teeda iyo taada ma shaqeyneyso, tan qaranka ayaa shaqeyneysa, dastuurka ayaana dhigaya," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Dhinacyadda Somaliland ayaa aad ugu kala aragti arrimo badan oo ay kamid tahay doorashooyinka oo khilaafkaasi jira awadeed ay dib ugu dhaceen lix sano, heshiis ay arrintaasi ka gaareena uu qarka u saran yahay in uu burburo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM