Muuse Biixi oo tababar u xiray Ciidamo, Baaqna u diray Puntland [Daawo]

Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo katirsan ciidamada maamulkaas oo muddo tababar uga socday magaalada Hargaysa.

Ciidamada ayaa muddo tababar ku qaadanayay dugsiga Tababarka Jadiidka Darar-weyne, waxaana taliyaha xaruntaas Gaashaanle sare Caamir Siciid Diiriye uu ammaanay ciidamada cusub oo uu sheegay inay ka qayb qaadan doonaan sugidda ammaan deegaanada maamulka Somaliland.

Muuse Biixi oo khudbad dheer ka jeediyay xafladda xiritaanka tababrka ciidamada ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay u leedahay maamulkaas dhismaha ciidamada isagoo sheegay in Askarinimadu ay tahay howl adag.

“Dhallinyarada maanta dhammaystay tababarkii koowaad ee ciidanka waxa aan leeyahay maanta waxa aad bilowdeen nolol qiimo iyo qaayo leh oo sharaf leh oo taariikh leh oo aanu qof waliba heli karin, mid soo mara hawsheeda iyo dhibteeda mooyaane," ayuu yiri Biixi.

"Waxkastaana waxa ay ku yimaaddaan oo uu adduunku hore ugu maraa waa is maqalka iyo kala dambaynta, askarigana waxa la baraa adkaysiga maskaxeed, sidiisabana qofka ciidanka ahi meelkasta oo uu katirsan yahay waxa uu dadka kale kaga duwan yahay isagu dantiisa wuu iska illaawaa, waxaana uu ka shaqeeyaa danta qaranka, haddii aan ciidan jirinna qaran ma jireen.”ayuu yiri Muuse oo fariin u dirayay ciidamada cusub.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday xiisadda ka taagan degmada Tukaraq wuxuuna sheegay inaysan cidna duulaan ku ahayn balse ay difaacayaan xuduudooda waa sida uu hadalka u dhigayay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa carrabka ku dhuftay inaysan duulaan ku ahayn Puntland islamarkaana ku baaqayaan nabadgalyo.

Xiritaanka Tababarka ciidamadan ayaa kusoo beegmay xilli colaad u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ay ka taagantahay degmada Tukaraq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM