Muxuu Muuse Biixi ka yiri doorashadda Soomaaliya ee 15-ka May?

Image

HARGEYSA, Soomaaliya – Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay doorashadda madaxtinimo ee 15-ka May ka dhici doonto xerada Afisyooni, ee magaaladda Muqdisho.

Mar uu ka hadlayay mar uu maanta ka qayb galay xaflad qalin-jebin oo Hargeysa ka dhacay, ayaa Muuse Biixi ku dhaleeceeyay dadka kasoo jeeda Somaliland ee ka qeybgalaya doorashooyinka Muqdisho.

Madaxweyne Muuse ayaa xusay in siyaasiyiinta Waqooyi ee xilalka ka qabta dowladda Soomaaliya aysan matelin maamulkiisa Somaliland, isagoo ku tilmaamay dadka iskooda usoo shaqo-tagey, oo xil doon ah.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya xili jahwareer siyaasadaad, khilaaf iyo is-qab-qabsi u dhaxeeyo xisbiyadda Somaliland, oo madaxa iskula-jira, kadib markii Muuse Biixi furey nidaamka ururada badan.

Sidoo kale, waxaa Muuse uu la kulmayaa cadaasi gudaha ah, oo ku aadan doorashadda Madaxtinimo iyo maareynta dhaqaalaha malaayiin dollar ee loogu deeqay suuqa Waaheen, Hargeysa oo dhawaan gubtay.

Maamulka Muuse ayaa u diiday dowladda Hoose ee Hargeysa inay maamusho dhaqaalaha oo dib u dhisto Suuqa, waxaana howshaas lagu warejiyay wasaaradda howlaha Guud ee Somaliland.

Cadaadis iyo caburin xoog leh ayay saaxafaddda madaxa-banaan kala kulmayaan maamulka Muuse Biixi, iyadoo ay xiran yihin wariyeyaal dhowr ah, oo illaa hadda qaarkooda aan jirin wax lagu soo eedeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM