Korneyl Saciid Cawil Caare oo "wareejiyey" hubka iyo ciidamadda

Image

HARGEYSA, Somaliland – Korneyl Saciid Cawil Caare ayaa lagu waramayaa in maanta oo Khamiis ah uu wareejiyay hubka iyo ciidamadiisa kadib munaasabad ka dhacday buurta Daalo ee gobolka Sanaag.

Talaabadan ayaa timid markii "heshiis nabadeed" uu la galay Somaliland. Heshiiska waxaa fududeeyay Guddi dhex-dhexaadin oo ka kooban odoyaal dhaqameedyo ku heeb ah, sidda la sheegay.

Afar guuto oo ka kooban 900 askari iyo gaadiid ciidan ayaa waxaa lasoo warinayaa in uu ku wareejiyey guddiga dhex-dhexaadinta.

Muuqaalo laga soo duubay munaasabadda oo uu arkay Garowe Online ayaa muujinaya Caare oo xiran dareeska madax-dhaqameedyadda.

Wararka ayaa sheegaya in suurtogal ay tahay in Caare dibadda loo dhoofiyo isla markaana si furan u soo codsado cafis madaxweyne, taasna ay qayb ka tahay heshiiska.

Bishii May, 2018-kii ayay ahayd markii Caare uu ka goostay milatariga Somaliland kuna dhawaaqay Jabhadda Dulmi-diid, isagoo dagaalo kharaar la galay xoogaga maamulka Hargeysa.

Isagoo sharaxaya sababta uu u baxay ciidanka, Caare ayaa sheegay in uu qoonsaday cadaalo daran ka dhex-jirta Milatariga Somaliland, isagoo si gaar ah u duray Taliyaha ugu sareeya ciidanka.

Nuux Taani, taliyaha guud ee ciidanka Somaliland ayuu ku eedeeyay hurinta colaad beeleedyo iyo gacan-bidaxeynta saraakiisha.

Xaaladda uu abuuray Caare ayaa culeyska kusii kordhisay xukuumadda Biixi oo cadaadis uu ka saaran yahay qaboojinta dagaal beeleedyo iyo doorashooyinka, waana tan keentay in ay wada-hadalo la gurto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM