Naciima Abwaan Qorane oo lagu sii daayey Cafis Madaxweyne

Image

HARGEYSA, Somaliland - Naciima Abwaan Qorane, oo ah Gabar Gabyaa ah, una dhaq-dhaqaaqda Midnimada Soomaaliya ayaa maanta lagu sii daayey Cafiska Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u fidiyay.

Naciima, oo ah kamid ah Hal abuurka Soomaaliyeed ayaa bishii lasoo dhaafay lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay in baraha bulshada ay ku qortay qoraallo ay Somaliland sheegtay in gef ah ku yihiin "Qaranimadeeda iyo Jiritaankeeda."

Wararka ayaa sheegaya in sii deynta Naciima ay ka dambaysay kadib kulan uu Aabaha dhalay Gabadhan, Abwaan Qorane uu maalmo kahor la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi.

Naciima, 00 27 jir ah ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha Hargeysa January 2018 xilli ay ka timid Muqdisho, oo ay kula kulantay Madaxweyne Farmaajo, sidoo kalena uga soo qeyb-gashay Barnaamijka TEDx oo ka jeediyay gabayo ku saabsan midnimada Soomaaliya.

Somaliland ayaa inta badan xabsiga dhigtaa shaqsiyaadka ay u aragto inay kasoo horjeedaan goosashadeeda, waxaana dadkaasi kamid ah Naciima Abwaan Qorane iyo kuwa kale oo uu ku jiro Cabdimaalik Coldoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM