UN: Nidaamka doorashooyinka Somaliland waa in la aamini karo

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah wuxuu tegay magaaladda Hargeysa, xarunta Somaliland.

James Swan iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku kulmay Madaxtooyadda maamulkaasi ayaa kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin; mashaariicda UN-ka iyo doorashooyinka.

Shirka kadib, wasiir Sacad Cali Shire iyo Swan ayaa si wadajir ah ula hadlay warbaahinta, iyaga oo ka warbixiyey qodobadda ay labada mas’uul ku lafa gureen shirka ay ku wehliyeen xubno kale.

"Waxaa lagu heshiiyey in wada shaqeynta halkeeda laga sii xoojiyo. Marka lasoo duuduubo, intaasi buu kusoo dhamaaday is-aragii madaxweynaha iyo ergayga Qaramada Midoobay," ayuu yiri Sacad.

Socdaalka Swan ee Hargeysa ayaa qayb ka ah booqashooyin is-barasho ah oo tan iyo markii lasoo magacaabay uu ku bixinayey goboladda Soomaaliya isaga oo horey u tegay maamulada kale.

Isaga oo wariyeyaasha la hadlayey, Swan ayaa bogaadiyey heshiis xisbiyadda Somaliland ay kala saxiixdeen Sabtidii, kaasi oo ay kusoo afjareen khilaafkii doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

Is-afgaradkaasi oo ka koobnaa sideed qodob ayaa waxaa qayb ka ah kordhinta tiradda xubnaha guddiga doorashooyinka oo laga dhigayo Sagaal, iyadda oo Golaha Wakiilada ay cod u qaadayan.

Diblumaasigan Ameerikaanka ah oo arrinta doorashooyinka si gaar ah carabka ugu adkeeyay ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in ay doonayaan in nidaamka doorashooyinka uu noqdo "mid la aamini karo".

"Waxaan kale oo aan kawada hadalnay dhameystirka shaqada muhiimka ah ee geedi u codka doorashooyinka oo noqda mid lagu kalsoonaan karo, sidda ugu dhaqsiyaha badan," ayuu xusay James.

Hadalka Swan ayaa kusoo aadaya iyadda oo xisbiyada mucaaradka ah ay tabashooyin ka muujiyeen qaabka ay u qabsoontay doorashadii ugu dambeysay ee madaxtooyada.

Coddeynta baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka ee Somaliland ayaa horey muddo shan jeer ah dib ugu dhacday is-fahanwaa xisbiyadda dhexdooda ha.

Sidda ku xusan Axadiga ay axsaabta qalinka ku duugeen, mooshinka kordhinta tiradda xubnaha guddiga doorashooyinka ayaa la horgeyn doonaa Golaha Wakiiladda 1-da bisha September ee sanadkan 2019.

Waa markii ugu horeysay oo uu James tan iyo markii xilkan uu qabtay uu tago Somaliland. Si lamid ah waa markii koowaad oo uu cago dhigtay Hargeysa lix sano kadib sanadihii 1995, 2012 iyo 2013.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM