Saylici iyo safiirka Midowga Afrika oo ku kulmay markab dushiisa

Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa maanta kormeer ku tegay Markab kamida kuwa Ilaalada Xeebaha Midowga Yurub.

Wuxuu halkaasi Shir kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub iyo Admiral kii Markabkaasi waday oo uu Madaxweyne ku xigeenku ka dhegaystay Warbixin la xiriirta Ilaalada Xeebaha siday uga hawl galaan ka midow yurub ahaan.

Saylici waxaa ku wehelinaayey Shirkaasi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qanbi) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).

Ma cadda ujeedada dhabta ah ee socdaalka iyo qodobadda ay kawada hadleen, marka laga reebo arrimo ay kulankaan ka faafisay Somaliland.

Shirkan ayaa muddadii uu socday waxaa la sheegay in lagaga hadlay Xaalada nabadgelyo ee biyaha Caalamiga ah ee ay ilaaliyaan Midowga Yurub iyo sida ay ula shaqeeyaan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Sidoo kale, Somaliland la tilmaamay in ay ku ammaaneyn siday uga caaggan tahay Burcad-badeedda iyo argagaxisada.

"Doorkooda ayaa waxay ku soo bandhigeen hannaanka wada shaqayneyd ee u dhaxeeya EU-da iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale booqday Ciidamadii saarnaa markabkaasi sidoo kalena indho indhayn kusoo sameeyey qalabka iyo gaadiidka dagaalka ee markabkaasi saarnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM