Siilaanyo oo booqasho ku tagey magalaada Laascaano

Image

LAASCAANO- Madaxweynaha Somaliland ayaa booqasho ku tagey magaalada Laascaano xarunta gobolka Sool halkasoo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Madaxda maamulka gobolka iyo bulshada qaybaheeda kale duwan ayaa ku soo dhoweyeey waftiga Madaxweynaha Somaliland dueleedka Laaacaano.

Axmad Silanayo ayaa dhagax dhigey Ari Cadeeye oo 30KM u jira Laaacaano wado dhererkeedu yahay 80km taasoo isku xireysa degmada Xudun iyo degaankaas, isagoo sheegey in booqashadiisu diirada saareyso inuu la socdo xaalada gobolka.

Booqashada Siilaanyo ee gobolka ayaa ku soo beegmeysa maalmo kadib markii isku shaandheyn uu sameeyey xilal ugu magacaabey xubno ka soo jeeda gobolka Sool.

Xilalkaan loogu roonaadey gobolka Sool ayaa waxaa ugu muhiimsanaa Wasiirka Arimaha gudaha Iyo Amniga oo loo magacaabey shaqsi kasoo jeeda gobolka Sool.

Gobolka Sool ayaa waxaa magaalo madaxdiisa iyo degaanada ku xeeran ka arimiya maamulka Somaliland kasoo maamulka Puntland ka qabsatey 2007.

Xukuumada Madaxwyne Siilaanyo oo ku jirta diyaargarowga doorashada ayaa dadaal ugu jirta sidii dadweynaha gobolkaas uga qayb gali lahaayeen diwaangalinta kuwasoo xisbiyada maamulkaas u kala tartamayaan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM