​Siilaanyo oo u socdaalay dalka Ingiriiska

Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dubai ee xarunta waddanka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Siilaanyo ayaa usii gudbi doona waddanka Ingiriiska, waxaana socdaalkiisa ku weheliya; Marwadiisa  Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire, iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Siilaanyo mar uu madaarka Hargaysa kula hadlayay warbaahinta galinkii dambe ee Shalay, wuxuu socdaalkiisa ku sheegay mid qotomo dar-dargalinta xiriirka kala dhaxeeya EU iyo UK.

"Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaadan doono maalmo dhawr ah wuxuu daaran yahay dar-dargelinta hawlo Qarankeena muhiim u ah oo inaga dhexeeya Waddamada Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Horumarka iyo Iskaashiga, iyo arrimo kaleba. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku sii hakan doonaan Dubai, halkaasna waxay uga sii gudbi doonaan London (Bi Idmillah),"Ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Safarkan ayaa kusoo beegmay xilli waddanka Britain ay dhaliileen tallaabada Siilaanyo ku kala saaray doorashada Madaxtooyada iyo midda Barlamanka maamulkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM