Siyaasiyiinta Somaliland oo laga mamnuucay la kulanka madaxda DFS

Image

HARGEYSA, Somaliland - Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay dib usoo celinayaan sharci, mamnuucaya in siyaasiyiinta iyo mas'uuliyiinta maamulkaasi inay la kulmaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Baashe Maxmed Faarax, gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in sharcigan loo qeybiyay Xilldhibaanadda Gollaha, islamarkaana ay kasoo saareen go'aan kama dambeys ah, oo ah inaan lala kulmi karin madaxda dowladda Federaalka.

Isagoo Saxaafadda kula hadlayey magaaladda Hargeysa ayuu sheegay in sidoo kale sharcigaan uu mamnuucayo in siyaasiyiinta reer Somaliland ay ka qeybgalaan shirarka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo, oo ay soo qaban-qaabiso Beesha Caalamka.

“Sharciga ayaa ka dhigaya Dambiile iyo Qaran-dumis, siyaasigii reer Somaliland oo la kulma madaxda dowladda Federaalka, ama ka qeybgala kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya,” ayuu Gudoomiye Faarax raaciyay hadalkiisa raaciyay.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka, gaar ahaan 18-kii May 1991-dii, balse wali kuma guuleysan inuu helo aqoonsi caalami ah.

Hadalka Baashe Maxmed, ayaa yimid kadib markii Faysal Cali Waraabe uu kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shirkii Brussels, taasoo gil-gishay siyaasadda maamulka Hargeysa. [Halkan ka akhri Warbixinta].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM