​Somaliland: Barlamanka oo ansixiyay hishiiska DP World

Image

HARGAYSA, Somaliland- Waxaa saaka lasoo afmeerayay doodda Barlamanka Somaliland ee ku qotontay hishiiska xukuumadda uu hogaamiyo Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo la gashay shirkad Imaaraad ah oo lagu magacaabo DP World.

Hishiiska labada dhinac oo qeexaya in la ballaarinyo dekedda Berbara ayaa waxaa la horgeeyay golaha wakiillada 06 Augusto ee sannadka iyadoo doodiisu bilaabay shalay.

Barlamanka ayaa ugu dambayn maanta go'aan ka gaaray, waxayna cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen hishiiska labada dhinac.

Kulanka oo ay joogeen 74 mudane ayaa waxaa ogolaatay 69 Xildhibaan, waxaa diiday Afar kale iyadoo uusan coddayn Guddoomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo kulanka shir Guddoominayay.

Hishiiska ayaa sidaas ku meelmarayay iyadoo horay usoo ansixiyeen golaha xukuumadda Somaliland.

Aragtiyo kala duwan ayaa qorshahan ka qabaan dadka reer Saaxil, waxaana tan iyo markii la billaabay hishiiskan magaalada Berbara ka dhacayay mudaharaadyo kala duwan kuwaasoo looga soo horjeedo in lagu wareejiyo Dekaddan shirkadda DP World oo qaadan doonta 60% kharashka soo xarooda marka la dayactiro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM