Somaliland oo ka hadashay caleema saarka Axmed Madoobe

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah kaga hadlay caleema saarka Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland.

Munaasabadda oo lagu waday in ay qabsoonto 26-ka September ayaa dib uga dhacday kadib markii ay dowladdu xayiraad saartay socdaalka Kismaayo.

Garyaqaanka guud ee maamulka xaruntiisu tahay Hargeysa ayaa ku nuux-nuux saday in ay mamnuuc ka tahay siyaasiyiinta Somaliland ka qeybgalka xafladaas.

Cabdi Samad Cumar Maal, oo Axadda maanta ah wareysi gaar ah siiyey muuqaal-baahiyaha Horn Cable, ayaa kaga digay xubnahaas in ay ku kacaan falkaas.

"Sharciga Somaliland wuxuu qof walba; Siyaasi, Aqoon-yahan iyo cid kasta wuxuu ka mamnuucayaa ka qeybgalka arrimaha siyaasiyada ee Soomaaliya".

Hadalkan ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo mudooyinkii dambe ay shaqsiyaad warbaahinta marinayeen in ay kasoo muuqanayaa madasha caleema saarka Axmed Madoobe.

"Cidda kaliya ee ka qeybgali karta waa xukuumadda, sida ay horey u ansiyeen goleyaasheena xeer-dejinta," ayuu hadalkiisa ku daray.

Mr Maal ma uusan kala caddeyn hadii ay jirto cid ka tirsan Laanta Fulinta maamulka Somaliland oo kaga qeybgalaysa munaasabaddaas.

"Cidii ka qeybgasha waxaa laga qaadi doonaa talaabo cad oo sharciga waafaqsan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Garyaqaanka.

Mas'uuliyiinta Somaliland ayaa sheegta madax banaani tan iyo 1991-dii, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM