Somaliland oo diiwaan-gelisay kiisas horleh oo ah xanuunka Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa maanta oo Axad ah shaaca ka qaadey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 16 kiisas cusub oo ah xanuunka Covid-19.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in 15 kamid ah bukaanada cusub ay yihiin muwaadiniin, ruuxa kalena uu yahay Itoobiyaan, balse lama sheegin qaabka uu ku qaadey.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, sideed kamid ah bukaanadda cusub waa rag, halka sideeda kalena ay yihiin Dhedig ama Dumar.

Da'da bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: 20jir ilaa 30jir = 7 qof, 30jir ilaa 40jir = 1 qof, 40jir ilaa 50jir = 1 qof, 50jir ilaa 60jir = 5 qof, 60jir ilaa 70jir = 1 qof iyo 80jir ilaa 90jir = 1 qof.

Dhamaan bukaanadda, sidda ku xusan bayaanka Wasaaradda Caafimaadka, waxay joogaan gobolka Maroodi Jeex ama magaalada Hargeysa.

Lama soo warin wax dhimasho ah iyo bukaano cusub oo ka caafimaadey xanuunka, afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay.

Wadarta guud ee kiisaska ayaa gaarey 101 xaaladood, geeridu waxay mareysaa sideed, si lamid ah dadka ka bogsadayna waa sideed.

Ugu dambeyntii, wasaaradda ayaa cod dheer ugu waanisay dadweynaha in ay raacaan talooyinka caafimaadka "maadaama cudurka uu si baaxad leh u faafayo, isla markaana saameyntiisa ay sii kordheyso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM