Somaliland oo gurmadkii ugu horeeyay u dirtay Beledwayne

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa Muqdisho u dirtay wafuud sidda gargaar loogu talagalay dhibaneyaasha daadadkii ku rogmaday Beledwayne.

Guddiga oo wadda aduun lacageed dhan lix boqol oo kun oo Doolar ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin kala duwan.

Bishii November 6-deeda, 2019, ayay ahayd markii Somaliland ay ku dhawaaqday in ay ka qeyb-qaadaneyso taakuleynta Beledwayne.

Magaala madaxda gobolka Hiiraan ayaa waxaa harqiyey daadad ka dhashay roobab mahiigaan oo bishii October ka da'ay bariga Afrika.

Sidda ay sheegeen Dowladda Soomaaliya iyo Qaramadda Midoobay, daadadka ayaa barakiciyey in ka badan 270,000 oo ruux.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa fatahaadaas ku tilmaamtay "midii ugu xumeyd" ee soo martay taariikhda magaaladda Beledwayne.

Tobanaan ruux oo ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed ayaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen daadadka oo sidoo kale geystay khasaaro maaliyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM