Somaliland oo isha ku haysa dadka kasoo cararaya Jigjiga

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo markii ugu horeysay ka hadlay xaalada dowlad magaalada Jigjiga, xarunta degaanka Soomaalida Itoobiya, oo maalmihii dambe ka dhacayeen Rabshado dhimasho sababtay,

Muuse Biixi ayaa faray ciidamada Somaliland in xuduudaha ee maamulkaasi la wadaaggo wadanka Itoobiya inay adkeeyaan nabad-gelyadda, islamarkaana ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa dadka isaga kala gudbaya.

Dad gaaraya 30 qof oo dhinacyo kala duwan ah ayaa lagu dilay Rabshadaha oo cirka isku sii shareertay markii Milatariga Itoobiya ay gudaha usoo galeen Magaalada Jigjiga, taasoo keentay in Shacabka degaanka ay Dibad-baxyo rabashada wata ay dhigaan.

Muuse Biixi ayaa tibaaxay in maamulkiisa uu soo dhawaynayo dadka Itoobiyaanka ah iyo kuwa Soomaalida ah ee kasoo barakacaya degaanada ay shaqaaqooyinka ay ka socdaan, isaga oo shacabka ugu baaqay inay xaalada dejiyaan, islamarkaana aysan dhibaato u geysan Dadka aan Soomaalida ahayn ee Somaliland usoo talaabaya.

“Ciidamada xuduudaha waxaan faray inay sugaan amaanka, oo ay xaqiijiyeen amniga dalkooda. Teeda kale, Shacabka waxaan ugu baaqaynaa in aysan caadifad qaadin oo aysan waxyeelo ugeysan Itoobiyaan noosoo baracakaya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Wuxuu xusay in maamulkiisa uu gacmo furan kusoo dhawaynayo dadka Itoobiyaanka ah iyo kuwa Soomaalida ee xiisadda kasoo bakaracaya, wuxuuna tilmaamay inay usameyn doonan dib udejinta inta ay xaalada degaanka dib caadi ugu soo noqoneyso.

Xaalada Jigjiga ayaa haatan lagu soo waramayaa inay tahay mid degan, inkastoo la sheegay in Milatariga Federaalka ay wali ku sugan yihiin gudaha ayna ku hareeraysan yihiin dhismaha Madaxtooyadda, oo uu ku jiro Madaxweyne Cabdi Illey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM