Somaliland oo ka hadashay wareejinta maamulka Hawada dalka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Wadooyinka ee Somaliland, Cabdullaahi Abuukar Cusmaan ayaa wuxuu ka digay dhibaato uu sheegay inay ka dhalan karto in Hawada Soomaaliya laga maamulo Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in Somaliland laga tala-gelin wareejinta, isalmarkaana xukuumadda Muqdisho ay ka gacan bidxeysay, isagoona ku eedeeyay in aysan diyaar u ahayn in "si nabdoon loo xaliyo muranka dhanka maamulka Hawada".

"Dowladda Muqdisho diyaarba uma ahan in si is-qancin ah lagu xaliyo arrimahaan, oo aan waxyaabo badan meelo isla dhigno marka dhibaatooyin badan ayaa ka dhalan kara go'aankaan," ayuu yiri Wasiirka.

Cabdullaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in maamulkiisa uu gabi ahaanba qaadacsan yahay talaabadaan, islamarkaana ay u arkaa wax uu ku sheegay "talaabo lagu deg deg oo khalad ah".

Mas'uulkan ayaa daboolka ka qaaday in diyaaradaha dulmara waqti xaadirkaan hawada Koonfurta iyo Woqoyga Soomaaliya badankooda ay yihiin kuwa laga leeyahay dalalka Khaliijka oo hadda is-khilaafsan.

"Dhibaato laga dhaxli doono ee ugu horeeysa waxaa kamid ah loolanka dalalka Khaliijka, kuwaasoo badankooda hadda adeegsadaan diyaarahooda Hawada Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya," ayuu xusay Cabdullaahi.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa afka ku bilaariyay in qorshahaan ay wado dowladda Soomaaliya, kaasoo ay kula wareegtay maamulka Hawada guud ee dalka uu ka gud mugdi ah kusii ridayo isku soo dhawaanshaha labada dhinac.

Tan iyo markii dowlada Soomaaliya ay bilowday olalaha ay ku dooneysay inay dib gacanteeda ugu soo celiso hawada dalka, maamulka Hargeysa ayaa qeylo dhaan sameynayay, taasoo la rumeysan yahay inay dowlado gani gaar ah ay gadaal ka riixayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM