​Somaliland oo ka hadashay hakinta dhoofka Xoolaha

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay go'aan Boqortooyada Sacuudigu ku joojisay xoolihii uga imaan jiray dalka Somalia, kadib markii la sheegay inay xanuunsanyihiin.

Wasiirka xannaanada Xoolaha Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa warbaahinta u sheegay inaysan xoolahooda ku ogayn xanuun saamayn ku yeelan kara dhoofka, isagoo intaas ku daray inay leeyihiin hay'ado qaabilsan fayo dhowrka iyo bad-qabka duunyada nool ee dalka dibadiisa loo safriyo.

Cukuse, ayaa intaas ku daray in go'aanka kasoo baxay Boqortooyada Riyaad saamayn ku leeyahay dalka Somalia iyo guud ahaan deegaanada Somalidu dagto isagoo hadalka u dhigayay inaysan dhinacooda wax raad ah ku yeelan doonin.

“Xoolaha la hakiyay waa xoolihii Soomaalida waa guud ahaan dhulka Soomaaliyeed ee toos xoolaha looga soo dhoofinayay..Anaga Xoolaheenu ma qabaan wax xanuun ah,”Sidaas waxaa yiri wasiir Cukuse.

Wasiirku ma sheegin in waraaqadda hakinta iyaga loo soo diray iyo in kale, maadama xoolaha ugu badan laga dhoofiyo dekedaha waddanka oo ay ku jirto Ber-bera.

Todobaadkii hore qoraal loo gudbiyay dowladda Federaalka Somalia, ayaa lagu sheegay in boqortooyada Sacuudigu joojisay Xoolihii uga imaan jiray Somalia sababo caafimaad, waxaana sida Somaliland beeniyay arrinkaasi wasiirka Xannaanada Xoolaha Somalia Siciid Xuseen Ciid.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM