Somaliland oo lagu eedeeyay inay ku guuldareysatay xalinta colaada Dhumay

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa qirtay inuu ku fashilmay xalinta iyo waan-waanta beelo walaalo ah uu ku dagaalamay tuulada Dhumay oo koonfurta kaga taala gobolka Sool ee waqoyga Soomaaliya.

Afhayeenka Gollaha Guurtida maamulkaan gooni isku taaga ah Saleeban Maxamuud Aadan, oo warfidiyeenka u waramay wuxuu shaaciyay in xal u helista colaadaan loo weeciyay dhanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Saleebaan ayaa rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyay in lasoo afjaro xiisadda, isaga oo dhinacyadda ku booriyay inay nabadda qaataan, ayna dhinac isaga leexiyaan wax kasta oo sababi kara inuu dhiig-daato.

“Mar hadii aan inagu xalin wayno, maxaa diidayo in dhanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan Jigjiga loo weeciyo,” ayuu yiri Afhayeenka, oo umuuqda mid ku qanac-san talaabada.

Tani waxay kusoo aadeysaa xili siyaasadda Somaliland ay mudooyinkii dambe ahayd mid jahwareer qarka u saaran iyo qalalaaso, maadaama xisbiyadda mucaaraadka ay ku dhawaaqeen olale ka dhan ah maamulka Muuse Biixi.

In ka badan 50 ruux oo labadda dhinaca isugu jira ayaa lagu waramayaa la hubiyay inay ku naf-waayeen colaadda beelahaasi dhex-martay, halka tirro intaas ka badan lagu soo waramayo inay ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM