Somaliland oo maxkamad soo taageysa shaqaale ajaaniib ah

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa shaacisay inay qabatay afar markab oo laga leeyahay Masar. Marakiibta waxaa lagu qabtay kalluumeysi sharci darro ah.

Sidda uu sheegay Taliska Ilaalada Xeebaha Somaliland, afarta markab waxaa la socda shaqaale aan tiradooda la shaacin.

Howladeenadda ayaa la filayaa in maxkamad lasoo taago, sidda laga soo xigtay sarkaal sarre oo u hadlay taliska.

Bishii December 7-deeda, 2019, ayay ahayd markii ciidamadda ilaalada Somaliland ay xireen 22 kalluumeysato u dhalatay Yemen laguna eedeeyay jilaabasho sharci darro ah.

Doonyaha laga leeyahay Yemen ayaa laga qabtay degaanka Ceel-daraad oo ku dhow magaaladda Berbera.

Admiral Maxamed Faarax Hiiraan, taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland, ayaa sheegay in ay xoojin doonan howlgaladda ka dhanka ah kalluumeysiga sharci darada iyo tarxiilka.

Sikastaba ha ahaatee, xeebaha Somaliland ayaa waxaa la sheegay in ay kamid yihiin goobaha maraakiibta shisheeye ay ka sameeyaan kalluumeysi sharci darro ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM