Somaliland oo sawir kale u yeeshay isbadalada Laascaanood

Image
Mid kamid ah wadaada lagu marti-qaadey kulanka ayaa soo bandhigay macluumaad la xiriira qodobkan.

HARGEYSA, Somaliland - Taliyaha ciidanka militariga ah ee Somaliland Nuux Taani ayaa sheegay in ciidamada gaadiidka wata ee galbinayay, haddana ku sugan gudaha Laascaano ay yihiin kuwa Somaliland, islamarkaasna illaalinaya amniga garaadada iyo nabadoonada ku sugan Laascaano.

Waxa uu sheegay in ujeedka yahay in la illaaliyo nabadda, isaga oo diinta usoo daliishaday sida ay nabadda muhiim u tahay.

Balse sida sida wararka sheegayaan ciidamada halkaasi ku sugan waa kuwa si weyn uga soo horjeeda Somaliland una ololeynaya in maamulka uu gabi ahaanba ka baxo gobolka.

Fahfaahinta waxa ay intaasi ku darayaan in welwelka keenay kulanka taliyeyaasha ugu sareeya ee Somaliland uu yahay in ciidamada kusii gurmaya Laascaanood ay aad usii kordhayaan, abaabulkooda iyo sahaydoodana ay badanayso illaa heer ay adkaan doonto in talaabo ciidan oo Somaliland ay qaado ay wax ka badeli karto go’aan kasta oo kasoo baxa shirka lagu ballansanyahay ee Garaadada iyo bulshada Sool.

Jeneraal Taani ayaa dhanka kale soo jeediyay eedeyn ah in qamriga iyo muqaadaraadka uu kusoo batay Laascaanood tan iyo intii isbadelada ka biloowdeen halkaasi todobaad ka hor. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM