Somaliland oo Shaacisay Tirada Dadka Qaatey Kaadhka Codbixinta

Image

HARGEYSA, Somaliland- Guddiga doorooshooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqey maanta 10 Oct,2017 tirada dadka qaatey kaadhka codobixinta doorooshooyinka soo socda, waxayna ku sheeegeen iney qaateen dad gaaraya 704,089 codbixiye kuwasoo ka codeyn doona 1642 goobood ee ku yaala 21 degmo oo ka tirsan maamulkaas.

Kaadhka codbixinta ayaa lagu sheegey in diwaan galintii hore u qaateen dad gaaraya 873,331iyadoo ay ku sheegeen in is-dhinka dambe ka yimid abaarihii dhowaan ku dhuftey qaar ka tirsan degaanada Somaliland.

Komishanka doorashada ayaa xogtaan ku wareejiyey sadexda xisbi siyaasadeed ee ka jira Somaliland iyo Wasiirka arimaha gudaha.

Dadweynaha Somaliland ayaa lagu wadaa in doorashada Madaxtooyada dhacdo 13 Nov,2017 iyadoo ay ku tartami doonaan sadexda xisbi siyaasadeed ee Kulmiye, Wadani iyo Ucid.

Doorashooyinka Somaliland ayaa horey dib uga dhacey iyadoo lagu macneeyey arimo la xiriiro diyaar garow la'aan iyo abaaro degaano maamulka ka tirsan ku dhuftey.

Madaxweynaha Somaliland Axamad Maxamad Maxamuud "Siilaanyo" ayaa doorashada Madaxtooyada ee dhaceysa 13 Nov, 2017 isu soo taageen iyadoo xisbiga Kulmiye ee talada haya uu musharax u yahay Muse Xuseen Cabdi-(Muuse-Biixi)

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM