Somaliland oo sharaxaad ka bixisay kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah uga warbixiyey kulankii ay caasimadda Itoobiya ku yeesheen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Yaasiin Faratoon, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, oo wariyeyaasha kula hadlay Hargeysa, ayaa wada-hadalka labada mas'uul ku qeexay "is-arag", wallow uusan tafaasiil ka bixin.

Wallow uu xaqiijiyey in Abiy Axmed uu soo qaban-qaabiyey kulanka, Faratoon ayaa ka gaabsaday in uu daaha ka rogo hadii uu jiro qodobo ay labadda hogaamiye isla meel-dhigeen.

Xukuumadda Addis Ababa ayaanan wali si furan kaga hadlin wada-xaajoodyadda Farmaajo iyo Biixi oo qayb ka ahaa shir-doceedyadda kulanka 33aad ee Midowga Afrika oo ka dhacay Addis Ababa.

"Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo xafiiska ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayay ku kulmeen. Madashaa waxay ahayd meel madaxdii Afrika oo dhan ay imaaneysay oo lagu wada martiqaadayey markii uu dhamaadey shirkii, madaxdu way isa sii mac-salaameyneysay waa la isa sii arkayey waa la isa sii bogaadinayey waa la balamayey sidaas ayuu madaxweynuhu ku tegay, madaxweyne Farmaajo-na sidaas ayuu isagana ku yimid sidaas ayay isku arkeen warkaasna intaas buu ku kooban yahay," ayuu raaciyey.

Sharaxaada uu bixiyey maamulka Hargeysa ayaa kusoo aadeysa iyadoo Villa Soomaaliya ay daaha ka rogtay in wada-hadalka uu horudhac u yahay wada-xaajoodyadda mustaqbalka.

"Kulanka wuxuu ahaa mid albaabada u xirnaa. Ma jirin war-murtiyeed laga soo saarey. Wuxuu ahaa mid horudhac ah," sidaas waxaa AP u sheegay Cabdinuur Maxamed, afhayeenka Farmaajo.

Illo diblumaasiyadeed ayaa qiray in is-aragga Farmaajo iyo Biixi uu ahaa mid aan horey loosii qorsheyn isla markaana uusan jirin wax ajande ah oo ay miiska kuwada falanqeeyeen.

Wada-hadalkaan ayaa yimid iyadoo khilaaf u dhaxeeyo qaar kamid ah maamul goboleedyadda Soomaaliya iyo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo oo mudada xileedka dhamaad ka yahay.

Xukuumadda federaalka ayaa lagu dhaliilay in aysan qaadin talaabooyin dhabaha u xaaraya in dib loo bilaabo wada-hadalada Somaliland, oo tan iyo 1991-kii gooni u goosad ah, wallow aan la aqoonsan.

MUUQAALKA FARATOON

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM