Somaliland oo u digtay Beesha Caalamka xili ay wajaheyso cadaadis

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland, oo sheegata in ay Soomaaliya inteeda kale ka madax banaantahay tan iyo 1991-dii, ayaa kaga digtay Beesha Caalamka "in ay hoos-geeyaan" xukuumadda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiiradda xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa fariintaan loogu diray wakiiladda saaxiibada caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Somaliland, oo wali aan aqoonsi u helin gooni u goosadkeeda, ayaa dooneysa in Beesha Caalamka ula dhaqanto "dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya," sidda ku cad bayaanka.

Dhawaqan cusub ayaa imaanaya xili maamulka Hargeysa uu wajahayo cadaadis ka imaanaya deeq-bixiyeyaasha oo ku aadan qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo degaanka oo baaqday lix jeer.

Mashaariicda

"Dhammaan qoraalada mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah," ayuu raaciyey.

Wuxuu ku daray: "Lama fulin karo mashaariic aan heshiiskooda lala gelin Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan oggolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ee ay khusayso".

Dowladda Federaalka oo horey u waydiisatay dunida in lasoo marsiiyo mashaariicda ku wajahan Somaliland ayaa qandaraas kale oo lagu hirgelinayo jidad iyo Isbitaalo la gashay Midowga Yurub.

Mashaariicda Isbitaalka oo Talyaaniga si gaar ah u fulinayo waxaa ku baxeysa afar milyan oo Doolar, sidda ay sheegtay wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya.

Xiriirka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya ee haatan jirta iyo mas'uuliyiinta Somaliland ayaa hooseeya, waxaana taas ay dhalisay in aan dib loo bilaabi wada-hadaladda labada dhinac oo hakad ku jira shan sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM