Somaliland oo Xabsi sanado ah ku riday Naciima Abwaan Qorane

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maxkamadda ku taalla magaalada Hargeysa, ee xarunta maamulka Somaliland ayaa xukun xabsi ah ku riday Naciima Abwaan Qorane.

Gabadhan oo ah Abwaanad curisa gabiyada, sidoo kalena ah qoraa ayaa lagu xukumay xukun 3 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inay barteeda Facebook ku qortay qoraallo wax u dhimaya jiritaanka Somaliland, midnimadiisa iyo wadajirkiisa.

Naciima Abwaan Qorane ayaa lagu xiray Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa 27-kii January, 2017, xilli ay kasoo laabatey Muqdisho oo ay uga soo qeyb-gashay madasha TEDx, oo ay ka tirisay gabayo ay uga hadlayso midnimada Soomaaliya.

Inta aan la xirin oo ay ku sugnayd magaalada Muqdisho, Naciima ayaa sheegtay in loo soo diray fariimo loogu hanjabay in la dilayo hadii ay ku noqoto Somaliland.

Somaliland oo sheegtay inay ka go'day Soomaaliya 1991, ayaa xabsi dhigtay shaqsiyaad caan ah, oo isagu jiray Suxufiyiin, Abwaanno iyo Fanaaniin kadib markii ay tageen Muqdisho, oo u ololeyeen Soomaali weyn iyo midnimo dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM