Somaliland oo xirtay sagaal qof oo u dhashay Imaaraadka Carabta

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland – Laamaha ammaanka Somaliland ayaa waxaa lagu waramayaa in ay xabsi u taxaabeen sagaal qof oo u dhashay Imaaraadka Carabta. Shaqsiyaadkan dhamaantooda waa rag.

Sidda laga soo xigtay mas'uuliyiinta, xubnahaan ayaa aroornimadii Talaadada maanta ah waxaa laga qabtay madaarka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal Airport.

Xubnahaan ayaa waxaa la sheegayaa in loo haysto in ay degaanada maamulkan ka sameeyeen "u gaarsasho sharci darro ah".

Taliska Booliska oo xaqiijiyey xariga xubnahaan ayaa wuxuu tibaaxay in ay baaritaano dheeraad ah ku sameyn doonan raggan.

Ajaaniibtan ayaa waxay ka yimaadeen degaan lagu magacaabo Sabo-wanaag, halkas oo ay xuseen in ay gaarsiinayaan gargaar, taasoo "been abuur ahayd".

"Dadka degaanka ayaa taliska booliska u soo sheegay in xubnahaan ay wadeen u gaarsi sharci darro ah, markii ay damacsanaayeen in ay ka duulaan garoonka waanu qabanay," ayuu yiri sarkaal sarre.

Somaliland ayaa lagu tiriyaa in ay safka hore uga jirto degaanadda Soomaaliya ee uu ka dhaco u gaarsiga sharci daradda, taasoo hay’addaha u dooda xuquuqda xayawaanka ay walaac ka muujiyeen.

Imaaraadka iyo maamulka Hargeysa ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan, waxaana xukuumadda Abu Dubai ay maalgeshi ku sameyneysaa haatan Berbera oo ay ka hirgelineyso garoon diyaaradeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM

Somaliland oo ku goodisay in ay dib usoo ceshaneyso Laascaanood

Hadalkan ayaa daba socda guul-darro weyn maamulka Hargeysa ku dhacday bishii Agoosto 2023.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 04:22AM