Somaliland oo Xukun adag ku riday Boqor Buurmadoow

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa, ee xarunta maamulka Somaliland ayaa xukun xabsi ah ku riday Boqor Buurmadow, oo kamid ah madax dhaqameedka ugu waaweyn waqooyiga Soomaaliya.

Boqor Cismaan Ow-Maxamuud (Buurmadoow) ayaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu hadallo lidi ku ah "Qaranimada" Somaliland uu ka jeediyay degmada Carmo xilli uu ka qeybgalayay caleema-saarkii Beel-daaje Maxamed.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Boqor Buurmadow uusan iibsan karin xukunka ku dhacay sidoo kalena uusan racfaan ka qaadin karin, marka laga reebo in Madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidin karo.

Maamulka Somaliland ayaa dhibsaday hadalka Boqor Buurmadow, iyadoo markii uu kasoo laabtay Puntland ay Ciidamada amaaka xabsiga u taxaabeen, inkastoo labo maalmood kadib damiin lagu sii daayay, kahor xukunta Maxkamadda maanta ku riday.

Somaliland ayaa inta badan beegsata shaqsiyaadka caanka ah, sida Abwaanada, Fanaaniinta iyo Wariye-yaasha aaminsan midnimada Soomaaliya, kuwaasi oo a xiro markii ay safaro ku tago Muqdisho iyo deenaada kale ee dalka.

Todobaad kahor, Maxkamadda Maroodi-jeex ayaa xukun saddex sano oo xabsi ah ku riday Naciima Abwaan Qorane, oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ay ku leedahay kusoo qortay haddalo dhaawacaya jiritaanka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM