Somaliland oo xukuntay askari lagu eedeeyay dilka arday

Image
Marxuumka oo ahaa 23-jir baranayey cilmiga Injineernimada Biyaha ayaa ka qalinjabiyey Iskuul ku yaala Boosaaso.

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa la sheegay in ay dil toogaasho ah ku xukuntay askarigii lagu eedeeyay khaarijinta Ibrahim Salaad, ardaygii bishii July lagu dhex-dilay Jaamacada Camuud ee Boorame.

Xukunkan oo gabagbo u ah gal-dacwadeedkan oo xeer-beegtada horyaalay tan iyo markii fal-dambiyeedkaas uu dhacay waxaa lagu waramay in Arbacada maanta ah ay riday maxkamadda ciidamadda Somaliland.

Xukunsanaha iyo qareenadiisu ayaa waxay haystaan fursad ay rafcaan kaga qaadan karaan xukunka wallow aan si rasmi ah wali loo xaqiijin ay gudbiyaan dalabka rafcaanka oo dhamaanaya 30-casho gudaheeda.

Marxuumka oo ahaa 23-jir baranayey cilmiga Injineernimada Biyaha ayaa waxaa la sheegay in uu ka qalinjabiyey Iskuulka Najax ee magaalada Boosaso, xarunta ganacsiga dowlada Puntland.

Ibraahim oo qoyskiisa ay dalbadeen cadaalad ayaa ku jiray sanadkii labaad, waxaana uu kamid ahaa ardaydii gashay imtixaankii ugu dambeeyay ee sanad-dugsiyadeedka labaad ee jaamacada.

Toogashadan ayaa waxay kusoo aadey xilli Somaliland ay ciidan dheeraad ah ugu daabushay Boorama markii 26-kii June ay dhalinyaro badan xabsi u dhigtay in ay wateen calanka jamhuuriyada Soomaaliya.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale balse waxay dunida u aqoonsan tahay maamul hoostaga dowlada federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM