Soomaaliya oo u digtey shirkad shidaal ka baareysa Somaliland

Image
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Federaalka ayaa "sharci darro" ku tilmaamtay shaqadda shirkaddan.

HARGEYSA, Somaliland - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa "sharci darro" u aqoonsatay shidaal baaris laga fulinayo degaanada Somaliland, sidda ay sheegtay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa looga digay shirkada ku howlan shaqadan waxaana lagu caddeeyay in talaabadaas ay "meel ka dhac ku tahay madax-banaanida Soomaaliya".

Shirkadda Genel Energy PLC ee laga leeyahay Ingiriiska ayaa fulinaysa mashruucan kadib heshiis ay la gashay xukuumadda waqtigu ka dhamaadey ee uu hogaamiyo madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

"Dowladda Fedralka ah ee Soomaaliya ayaa si cad u diidaysa sheegashada Genel Energy PLC ee ah inay leedahay Xuquuqda batroolka ee gobollada waqooyi ee Soomaaliya waxayna ugu baaqaysaa inay joojiso sheegashada sharci darrada ah," ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Sida laga soo xigtey bayaankan, wasaaradda batroolka iyo macdanta ayaa uga digaysa maalgashadda ajanbiga "in mar walba oo ay doonayaan in ay soo saaraan shidaal waa in ay soo maraan Muqdisho".

"Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ogeysiineysaa maalgashadayaasha shisheeye in Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka macdanta ay ay kaliya bixin karto ogolaanshaha sahaminta iyo horumarinta kheyraadka batroolka sida uu dhigayo sharciga batroolka Soomaaliya," ayaa lagu daray war-saxaafadeedka

Dhanka kale, maamulka Hargeysa ayaan wali hadal kasoo saarin dhawaqa xukuumadda Muqdisho. Somaliland ayaa 1991-dii sheegatay in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya balse ma helin aqoonsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM