Somaliland: Su'aallo ka dhashay arday lagu dhex-dilay jaamacad

Image

BOORAMA, Somaliland - Booliska Somaliland ayaa lagu eedeeyay dil gudaha Jaamacadda Camuud faraca magaalada Boorama loogu geystay arday lagu magacaabayey Ibraahim Salaad Donzaa.

Taliska bileysku oo fahfaahin ka kooban sida ay wax u dhaceen ayaa wuxuu xusay in ay baarayaan qaabka falku u dhacay. Su'aallo badan waxay ku hareereysan yihiin sababta dilka sababtay.

Marxuumka oo ahaa 23-jir baranayey cilmiga Injineernimada Biyaha ayaa waxaa la sheegay in uu ka qalinjabiyey Iskuulka Najax ee magaalada Boosaso, xarunta ganacsiga dowlada Puntland.

Maamulka Jaamacada Camuud faraca Boorama oo ka tacsiyeeyay geerida arday Ibraahim Salaad Donzaa ayaa shaaca ka dhigay in uu xiran yahay askariga ka dambeeyay fal-dambiyeedkan.

"Askariga iyo ardayga waxay ka yimaadeen bariga Sanaag. Su'aal badan kama banaana waana la baarayaa dhacdadada. Askarigana waa xiran yahay," ayuu yiri Saleebaan Axmed Guuleed, guddoomiyaha jaamacadda

Wallow ay sheegeen in aysan ka hordhaceyn baaritaanka bileyska, haddana waxay tibaaxeen in lagu wargeliyey "in xabad ay ku qaraxdey marxuumka taasoo sababtay dhimashadda marxuumka".

Ibraahim oo qoyskiisa aanu wali hadlin dhacdadan ayaa ku jiray sanadkii labaad, waxaana uu kamid ahaa ardaydii gashay imtixaankii ugu dambeeyay ee sanad-dugsiyadeedka labaad ee jaamacada.

Toogashadan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli Somaliland ay ciidan dheeraad ah ugu daabushay Boorama markii 26-kii June ay dhalinyaro badan xabsi u dhigtay in ay wateen calanka jamhuuriyada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM