Taliye ciidan oo u hanjabay shacabka la wareegay Laascaanood

Image
Dadkii lagu dilay banaanbaxyadda magaalada ayuu xusay in bulshadda dhexdeeda ay iska dileen.

HARGEYSA, Somaliland - Taliyaha maamulka Somaliland ugu magacaaban gobolka Sool ayaa muddo 24 saac ah u qabtay shacabka la wareegay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mahad Cambaashe oo warbaahinta la hadlay markii ugu horeysay ayaa shaaca ka dhigay in uu talaabo ciidan qaadi doono haddii ay sii socdaan waxa uu ugu yeeray qaska ka socda magaalada.

Cambaashe ayaa xusay in ciidankiisa ay horseed u noqdeen in magaalada ay gaarto horumar weyn, uusana ogolaan doonin in la dhaawoco horumarkaas, wuxuuna beeniyay in laga saaray magaalada, taasi badelkeedana ay shacabka u tureen.

Dadkii lagu dilay banaanbaxyadda magaalada ayuu xusay in bulshadda dhexdeeda ay iska dileen. Hadalkan waxaa uu kasoo horjeedaa dhawaaqii madaxwayne Biixi ee ahaa in Somaliland ay dishay.

Dadweynaha is-hubeeyay ayuu ugu hanjabay in ay cawaaqib wajihi doonan haddii aysan maamulka magaaladda dib ugu soo celin maamulka uu taabacsan yahay ee saldhigiisu yahay Hargeysa.

Isaga oo xiran dareeska iyo darajada ciidanka maamulka Somaliland ayuu sheegay in askarta daacadda u ah ay heegan yihiin, isaga oo ka digay in xaaladda looga daro.

Waa markii ugu horeysay oo taliyahan warbaahinta la hadlo, iyada oo mudaaharaadyadda Laascaanood ay galee todobaadkii labaad, dadkana isu sii abaabulayaan sidii magaalada ay u xajisan lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM