Coldoon oo dib u helay xorriyadiisa kana warbixiyey sii deyntiisa

Image

HARGEYSA, Somaliland – Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu xorriyadiisa dib ku helay cafis uu u fidiyey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, sidda uu sheegay warbaahinta.

Coldoon oo Burco laga soo xiray 14 bishii 4aad 2019 ayaa bishii July 8-deeda lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, isagoo lagu soo oogay dacwado ay kamid yihiin "jabinta nidaamka u degan Somaliland".

Hay'addo u dooda xuquuqda aadanaha oo isugu jira waddani iyo heer caalami ayaa si wadajir ah u cambaareeyay xariga Coldoon, waxayna si joogto ah cod dheer ugu baaqayeen in uu dib u helo xorriyadiisa.

Kadib sii deyntiisa, Coldoon ayaa u mahadceliyey mucaaradka Somaliland oo uu sheegay in ay kaalin ka qaateen talaabada lagu sii daayey. Sidoo kale, Biixi ayuu ku bogaadiyey in uu ogolaado sii deyntiisa.

Si lamid ah, wuxuu u mahadceliyey hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha oo uu ka carabaabay Amnesty International iyo Human Rights Watch. Kaalintooda u ololeynta sii deyntiisa ayuu ku ammaanay.

"Baarlamaanka Midowga Yurub oo arrinteyda ka hadlay iyagana aan u mahadcelinayaa," ayuu hadalkiisa raaciyey saxafiga isagoo war-fidiyeenka kula hadlay Hargeysa.

Wuxuu ku daray: "Maanta aniga hadal aargoosi ah ama hadal maag ah halkaan kama oranayo, waad og-tihiin mar-xaladda aynu ku jirno iyo xaalada aynu mareyno, waa mar-xalad ay tahay in aan gacmaha is-qabsano, waxaan ku baaqayaa gacmaha is-qabsano, in aan bog cusub furno".

"Waxaan kaloo u mahadcelinayaa oo aan ilaabay oo aysan ahayn in aan ilaabo Hooyadey oo iyaddu xirneyd oo aan anigu xirneyn oo maalin walba Burco ka imaaneysay. Ehelkeyga ayaan u mahadcelinayaa sidda ay iigu dulqaateen Ilaahey haka abaalmariyo," ayuu tibaaxay.

Warbaahinta u muujisay garab istaaga iyo dhamaan cid kasta oo ka xumaatay xarigiisa ayuu sidoo kale sheegay "in u abaal-hayo una mahadcelinayo".

Coldoon oo ah aas-aasaha warbaahinta Jiritaan iyo wariye tabiya wararka la xiriira samafalka ayaa xarigiisa bar-madow ku noqdey xukuumadda Biixi, waxayna qabashadiisu timid markii uu kasoo laabtay magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM