Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea oo booqasho ku tagey Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegay in wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Cismaan Saalax uu ka degay magaaladda Hargeysa.

Warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ayaa shaaciyay warka ku saabsan safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, iyadoo aan jirin illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Muuse Biixi oo ku saabsan booqashadan.

Lama oga waxa ay salka ku hayso booqashada aan horey loo shaacin ee Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea ku tagey caasimadda maamulka Somaliland.

Safarkan ayaa kusoo beegmya xilli Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle maalintii shalay soo gabagabeeyay booqasho labo maalmood qaadatey uu ku yimid Muqdisho. [Halkan ka akhri warka].

Eritrea ayaa sanadkii tagey ee 2018 heshiis la gashay Itoobiya, waxayna bog cusub u furtay xiriirkii ay la lahayd dalalka Gobolka Geeska Africa, oo Soomaaliya kamid tahay.

Cismaan aya 2018 safar ku tagey Muqdisho, iyadoo uu ka dambeeyay Madaxweyne Afwerki oo booqday Soomaaliya, kadib markii uu heshiis Asmara kula galay Madaxweyne Farmaajo.

Wixii kusoo kordhaa kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM