Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi oo safar ku tagey Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Waxaa maanta oo Sabti ah magaaladda Hargeysa gaarey wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda wadanka Malawi, Eisenhower Mkaka.

Lama oga ujeedka socdaalka Wasiirka, iyadoo aan jirin wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan booqashadda, taasoo kusoo beegmaysa xili dhawaan Uhuru Nairobi heshiis kula galay Muuse Biixi.

Heshiiska ayaa ku saabsan inay Kenya Qunsuliyad ka furato Hargeysa, halka Somaliland xafiiska ay ku leedahay Nairobi loo bedelayo Qunsuliyad, waxaana tallaabadan ka careysiisay dowladda Soomaaliya.

Horey Jabuuti iyo Itoobiya ayaa qunsuliyado uga furtay Hargeysa, iyadoo hadda Kenya kusoo biirtay, waxaana la ogeyn in Malawi ay doonayso tallaabadaas oo kale inay qaado.

Waxay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya iyo  Gini (Guinea) kadib markii ay maamuus Madaxweyne dal madaxbanaan ugu sameeyeen caasimadahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM