Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la sheegay in Maxkamad looga yeeray

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wararka laga helayo magaaladda Hargeysa ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta maamulka Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo looga yeeray Maxkamad, kadib markii musuq-maasuq lagu eedeeyay.

Wasiirka ayaa la sheegay in xilka si KMG ah ugu wareejiyay ku xigeenkiisa, Maxamed Muuse Abees, maadaama lasoo eedeeyay oo kasoo muuqanayo Maxkamadda Hargeysa, oo su'aallo ka waydiinaysa eedeymaha musuq-masuqa iyo wax isdaba-marinta.

U yeeridda Guri-Barqaawo ayaa ka dambeysay markii dhawaan la xiray Agaasimihii guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxii dhinaca lacagta kadib warqad kasoo baxday xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Somaliland.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda maamulka Somaliland oo ku saabsan Maxkamadda u yeertay Wasiirka Warfaafinta.

Wararka ayaa sheegaya in Baaritaan uu ku socdo qaar kale oo kamida Wasaaradaha Xukuumadda Somaliland, oo arrimo musuq-maasuq lagu tuhmayo, iyadoo kiisaskan ay kusoo beegmaya xilli Muuse Biixi khilaaf kala dhaxeeya siyaasiyiinta mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM