Wiil uu dhalay Feysal Cali Waraabe oo lagu dilay Syria [Dhageyso]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka Somaliland [UCID], Feysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyay in wiil uu dhalay lagu dilay dalka Syria, isagoo ka bar-bar dagaalamayay Kooxda Daacish.

Feysal ayaa sheegay in Wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Sayid Xuseen Faysal Cali Waraabe uu tagey Syria sanadkii 2013-kii, isagoo ka yimid dalka Finland halkaasi oo uu ku dhashay 1994, kuna soo barbaarey.

Sayid Xuseen geeridiisa waxaa soo xaqiijisay Xaaskiisa oo dalka Syria la joogtay, taasi oo Muuqaal ay usoo dirtay Hooyadiisa ugu sheegtay in Wiilkeeda lagu dilay duqeyn dhanka Cirka ah oo loo geestay meel uu ku sugnaa 29-kii December, ee sanadkii tagey.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Wiilkiisa uu u tagey Syria inuu ka jihaado, kadib markii lagu xag-jireeyay dhanka Internet-ka. Wuxuu tilmaamay in isaga iyo wiilkiisa aysan xiriiri jirin wixii ka dambeeyay markii uu kasoo tagey Findland.

Kama uusan shaleynin Feysal in Wiilkiisa lagu dilay dal shisheeye isagoo Koox argagaxiso ah u dagalamayay, balse waxa uu u rajeeyay inuu ALLE Janada geliyo, maadaama sida uu aaminsan yahay uu ku dhintay wado wanaagsan.

Xaaskiisa iyo Labo caruur ah oo ugu dhalatay Sayida Xuseen wadanka Syria ayaan wali la ogeyn halka ay ku dambeeyaan, laakiin loo maleynayo inay meel kamid ah dhulka ay Daacish maamusho ee Syria ay joogto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM