Xisbiga Waddani oo mowqif cad ka qaatey mudo kordhinta doorashadda Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa soo dhaweeyay muddo kordhinta uu Gollaha Guurtida ee Somaliland usameeyay Aqalka Wakiilada, taasoo ah 9-ka bilood ee soo aadan sanadkaan 2019.

Muddo kordhintaan ayaa ka dambeysay markii ay dib-u-dhacday markii 5aad doorashooyinka Gollayaasha Sharcidejinta iyo tan Degaanada, taasoo haatan loo balamay bisha December ee sanadkaan.

War qoraal ah oo kasoo baxay xisbiga ugu wayn mucaaradka degaanada maamulkaan gooni isku taaga ah ayaa sidoo kale waxaa lagu xoojiyay mowqifka WADDANI oo ah dib-u-habeyn lagu sameeyay Guddiga doorashooyinka kahor cod-bixinta.

Go’aanka uu qaatay xisbiga uu Gudoomiyuhu uyahay Cabdiraxmaan Cirro wuxuu kusoo aadayaa iyada oo uu todobaadkaan kasoo laabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu kula soo kulmay Beesha Caalamka.

HALKAN KA AKHRI:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM