Xisbiyadda Somaliland oo soo afmeeray khilaafkii doorashada

Image

HARGEYSA, Somaliland - Kadib cadaadis iyo dhex-dhexaadin ka timid Beesha Caalamka, xisbiga Somaliland ayaa soo afmeerey khilaafkii doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

Xisbiga KULMIYE, UCID iyo WADDANI ayaa waxay kala saxiixdeen heshiis ka kooban sideed qodob oo ay ku gelayaan coddeynta oo muddo shan jeer ah horey dib ugu dhacday.

Qodobada ay isku afgarteen ee Axdiga ku jira ayaa waxaa kamid ah; in la kordhiyo guddiga xubnaha doorashooyinka, kaasi oo ah codsi ka imaanayay xisbiga mucaaradka ah.

Tiradda oo haatan ah todoba ayaa laga dhigi doonaa Sagaal, iyadda oo ay ansixinayaa Golaha Wakiilada kahor inta aysan Xildhibaano Aqalka ka tirsan aysan u soo jeedin dalabkaasi.

Xisbiyadda ayaa ka codsaday mudaneyaasha in ay meel-mariyaan wax ka bedelka tiradda xubnaha guddiga doorashooyinka oo la filayo in la horgeeyo 1-da bisha September ee sanadkan 2019-ka.

Sidda ku xusan heshiiska, hadii mudaneyaasha ay diidaan ansixinta wax ka bedelka, doorashadda waxaa lagu geli doonaa todoba xubnood, iyadda oo mar kale cod ka gelin doono doorashsada kadib.

Wakiilo ka socda beesha caalamka gaar ahaan wadamadda Midowga Yurub ayaa waxay goobjoog ka ahayeen saxiixa heshiiskan oo ay ku tilmaameen "mid taariikhi ah".

HOOS KA AKHRISO HESHIISKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biixi: Dhaqangelinta heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la joojin karin

Laakin inta badan xubnaha beesha caalamka waxay u taagan yihiin midnimada Soomaaliya oo dhan taasoo wargelinaysa abaabulka kheyraadka iyo dirista.

  • Somaliland

    20-05-2024

  • 05:11PM

Catriona Laing oo booqasho Macsalaamaysa ah ku tagtay Somaliland

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Rooda Jaamac Cilmi.

  • Somaliland

    14-05-2024

  • 05:43PM