XOG: Sidee ku yimid qorshaha booqashada Farmaajo ee Hargeysa?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa markii ugu horreysay ku kulmay Addis Ababa, caasimadda Itoobiya February 11, 2020.

Warsidaha Garowe Online ayaa u kuur-galay qaabkii uu ku yimid Kulanka, oo ahaa mid albaabada u xiran, islamarkaana saxaafadda dibad-joog ka ahayd, islamarkaana labada dhinac aan fahfaahin ka bixin.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu taleefonka ka wacay Muuse Biixi intii uu socday shir madaxeedkii 33-aad ee Midowga Africa oo socday 9-10 bishan Febuary.

Wafdi Muuse Biixi ayaa la dejiyay hotel ku yaalla Addis Ababa, waxaana maalintii xigtay February 11, 2020 loogu yeeray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo laga dalbaday inuu kaligiis yimaado.

Markii uu Muuse Biixi galay xafiiska, waxa uu si lama filaan ah ugu arkay gudaha iyadoo ay wada-fadhiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Axmed, halkaasina saddexda mas’uul kulan albaabada u xiran ku yeesheen.

Xogo ku dhow waftiga Muuse Biixi ayaa u sheegay Garowe Online, in kulanka oo qaatay 40 daqiiqo ilaa hal saac, looga hadlay booqasho Abiy Axmed iyo Farmaajo ku tagaan magaaladda Hargeysa, ee xarunta Somaliland.

Abiy Axmed ayaa la sheegay inuu Muuse Biixi siiyay wax u muuqday "amar", oo ah inuu saddex maalmood gudahooda ku diyaariyo booqashada isaga iyo Farmaajo ku tagayaan magaaladda Hargeysa, taasoo lama filaan ku noqotay Madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi ma siinin Abiy Axmed wax jawaab ah [Haa ama Maya], balse waxaa la sheegay inuu u sheegay inuu dib ugu laabanayo Hargeysa, kadibna arintaan kala tashanayayo gollayaasha dowladda Somaliland.

Macluumaadka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Farmaajo uu dareemay culeyska arinta, isagoo ka dalbaday Abiy Axmed inuu muddo 7 maalmood ah oo fursad ah siiyo Muuse Biixi, oo uu ka daayo 3-da maalmood, "maadaama uu aad u yaryahay waqtigaas".

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa u arka Abiy Axmed inuu Farmaajo "u juujuubayo" Muuse Biixi, waxaana gudoomiyaha Gollaha Guurtida Somaliland sheegay in Farmaajo aysan dooneynin inay Hargeysa kusoo dhaweeyaan, balse lagu qasbayo.

Abiy Axmed ayaa raadinayo inuu korarsado sumcadiisa caalamka kadib markii la siiyay billadda nabadda ee Nobel Peace Prize, taasoo uu ku muteystay heshiiska uu dhex-dhigay dalkiisa iyo Eritrea sanadkii 2019.

Waxay wararku sheegayaan in qorshaha booqashada Farmaajo ee Hargeysa tahay mid saddex geesood ah, oo uu ku jiro Madaxweyne Eritrea Isaias Afwerki, oo sanadkii tagey wasiirkiisa arrimaha dibadda usoo diray Hargeysa, kulana la qaatay Muuse Biixi.

Abiy iyo Afwerki, ayaa habdhaqankoodu yahay inay ka shaqeynayaan sidii Farmaajo baaqi ugu sii ahaan lahaa Villa Soomaaliya, oo mudo-xileedkiisa wax ka yar hal sano uga dhimantahay, iyadoo ka hor la raadinayo in maamulada dalka qaarna la go’doomiyo, kuwana awood ciidan lagu qabsado, haddana la qasbayo Somaliland.

Hadii ay dhacdo booqashada Farmaajo ku tagayo Hargeysa waxay noqoneysa sida aqalka guurtada Somalilamd ka dhawaajiyay mid ku timid jujuub Abiy Axmad ku sameynayo madaxda Soomaalida, isagoo ilaashanaya danihiisa gaarka ah.

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM