Bukaan Dalka wax looga qaban waayay oo Hormuud Salaam Foundation u fududeysay Caafimaad Dibada ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maanta oo aay taariikhda tahay 22/12/2022, ayaa Munaasabad lagu sagootinayey, Salaad Abdullahi Mukhtaar, oo ah wiil 11 jir ah oo afka iyo daanka ugu taalo buro aad iyo aad u weyn ayaa saakay lagu qabtay Hotel Shamo ee magaalada Muqdisho.

Salaad Abdullahi, oo kasoo jeeda qoys danyar ah, ayaa in mudo ah la xasuunsanayey Buradaa weyn ee afka kaga taala.

Hormuud Salaam Foundation, ayaa Salaad iyo Aabihiis ka keentay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, 18 August 2022, waxaana ay dejisey Hotel Shamo oo ay degenaayeen ilaa iyo wakhtigaas, Salaad waxaa loo sameeyey baaris caafimaad oo buuxda , taasoo loogu sameeyey Isbitaalak Erdogan ee Ex-Digfeer ee magaalada Muqdisho. Baaritaankii loo sameeyey waxaa la cadeeyey in aaanan wadanka gudihiisa waxba looga qaban Karin, loona baahan yahay in loo qaado wadanka Dibadiisa.

Intas kadib waxaa lala wadaagay safiirka turkiga u fadhiya somaliya Mehmet Yilmiz kaaso oo dadaal dheer ku bixiyay sidii Turkiga loogu qaadi lahaa.
Waxaa xusid mudan in Hormuud Salaam Foundation ay bixisey dhammaan kharashaadkii ku baxay laga soo bilaabo ka keenidii Baardheere ilaa iyo intii ay joogeen Muqdisho, sida hoteelkii , noloshii iyaga iyo reerkoodii joogay Baaardheere iyo ticketyada ee Salaad iyo Aabihiis.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, oo goobta ka hadlay ayaa allah ugu baryey inuu Salaad siiyo Caafimaad, dawana ugu daro qaliinka lagu sameyn doono, Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyey Safiirka Turkiga ee Somalia, Ambassador Mehmet Yilmiz, oo arinta Salaad dedaal weyn ku bixiyey una soo bandhigey Hormuud Salaam Foundation ineey ka wada shaqeeyeen sidii Salaad uu u heli lahaa Daweyn.

Sheekh Cabduqadir Xaashi, iyo Cabdicasis Xasan Faarax oo ka tirsan Masuuliyiinta hey’adda Al Rahma Foundation, kana mid ah ehelada Salaad iyo aabaha dhalay wiilka ayaa uga mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation dadaalka ay ku bixisey sidii uu Salaad u heli lahaa daaweyn iyo daryeel, waxaana ay balan qaadeen in Salaad arintiisa ay ka warqabi doonaan, gacantana ku heyn doonaan inta uu joogo Turkiga.

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM