Ciidamada Soomaaliya oo gaarey goobo ay ka carareen AS

Image
Howlgalkan waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidamadda milatariga iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Boliska gaarka ah ee Haramcad, ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey inta u dhexeyso degaanada Gendershe iyo Arbacow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa Burburinta goobo Cadowga Khawaarijta ahi ay kaga dhuumalaysanayeen Deeganadaasi Iyo Maxkamad Beenaad ay ugu yaraan Dadka Deegaanka ee agaas ka ag dhaw.

Deegaanada howlgalka laga sameyey ayaa kala ah Godka kubash, Galka Geeriyaan, Galka Saalimow, Mara-cade

Waxay gaareen meelo ay khawaarijtu ka carareen waxayna ka heleen documentiyo farabadan oo ay ka mid yihiin kuwa dadka lagu baado.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u sameyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Haramcad’ iyo kuwa Xooga Dalka Gaar ah Guutada Cumar binu-khadaab

Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa caado ka dhigatay isku dhex qarinta dadka shacabka, maadama aysan ka hortagi karin awood ciidanka Haramcad
balse Ciidanka oo u tababaran baacsiga argagixisada ayaa cagta mariyey haraadiga argagixisadii ku dhuumaaleysaneysay deegaankaas.

Hawlgalkaas ayaa qayb ka ahaa holwgallada guud oo xidida loogu siibayo haraadiga naflacaariga ee Argagixisada Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM

Villa Somalia oo Fahfaahin ka bixisay heshiis Xasan Sheekh la galay Masar

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay'adaha Labada dal.

  • War Saxaafaded

    23-01-2025

  • 02:44PM