Deni oo la kulmay Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Mudug

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ee magaaladda Gaalkacyo kulan kula qaatay Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka Mudug, isbedelka dhinaca amniga ah ee socda, howlgalada lagu sugayo amniga oo lagula dirirayo maandooriyaha iyo waxkastoo amni daro ah.

Madaxweynaha ayaa Isimada iyo Waxgaradka Gobolka la wadaagay qorshaha Dowladda ee ku aadan Gobolka, dhinacyada amniga, horumarka iyo dhismaha ciidamada.

Dhammaan Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa isku raacay in ay Dowladda kala shaqeeyaan Amniga iyo wax kasta oo Gobolka khuseeya, waxaana Isimada iyo Waxgaradku la wadaageen Dowladda inay garab taaganyihiin, diyaarna u yihiin inay kala shaqeeyaan howlgalka Gobolka looga nadiifinayo Maandooriyaha iyo dadka ka shaqeysta.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baaralamaanka Dowladda Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada , Xildhibaano, Lataliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Qiimeynta Xaaladda Dalka, Dadka iyo Dowladnimada Soomaaliya: 3 Sano iyo 3 Bilood Kadib Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa lagu doortay, laguna dhaariyay dastuur heshiis lagu yahay oo ku qotoma hannaan federaal ah.

  • War Saxaafaded

    20-08-2025

  • 01:33PM

Akhriso Go’aamada kasoo baxay Shirka dardargelinta dhameystirka hawlgalka Calmiskaad

Shirka oo ay ka qeybgaleen Saraakiisha Amniga iyo heerarka kala duwan ee masuuliyiinta Dowladda ee ka shaqeynaya hawlgalka.

  • War Saxaafaded

    24-04-2025

  • 02:27PM