Dhalinyaro ka qeybqaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kula kulmay dugsiga Tabbarka Ciidanka Booliska ee Jenaaral Kaahiye 600 oo dhalinyaro ah oo si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah  Al shabaab.

Boqalaalka dhalinyarada ah ee uu la hadlay Madaxweynuhu waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay in ay furimaha dagaalka ku weheliyaan Ciidanka Xoogga si ay uga qayb qaataan difaaca dalka iyaga oo u huraaya naftooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada sida ay uga dhiidhiyeen falalka arxan darrada ah ee Alshabaab ay ku hayaan Shacabka iyo Goa’aanka geesinimada ah ee ay u qaateen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen difaaca dalka.

“Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaagay in ay nafootada u huraan dalkooda, in ay u dhintaa diintooda, in ay difaacdaan dadkooda. Waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta ay ku leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed horumarka dalka,isagoo sheegay in 70% boqolkiiba ay yihiin dhalinyaro,wuxuuna ku boorriyay dhallinyaradaasi in ay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxda Alshabaab ee dhibaatada iyo gumaadka ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM