Dowlad Goboleedyada oo ka hadlay dhismaha Guddiga Isgaarsiinta

Image

GAROOWE, Puntland - Wasaaradaha Boostada Iyo Isgaarsiinta dawlad goboleedyada K/Galbeed, Jubaland, Puntland iyo Hirshabeele waxay si wadajir ah ugu mahadcelinayaan Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo hirgelisay shirkii Isgaarsiinta Soomaaliya 24-28 bisha June 2018.

Shirka Garoowe oo lagu lafa guray khilaafkii ka dhashay guddiga Isgaarsiinta Qaranka iyo Xeerka Isgaarsiinta kaa oo ay Wasaaradaha Maamul Goboleedyada iyo shirkadaha Isgaarsiinta intooda badan ka hor yimaaddeen qaabkii loo xuley guddiga Isgaarsiinta.

Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaliya waxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda Federalka ah ee Soomalia uga mahadcelinayaan garashada iyo masuuliyadda dheeriga ah ee uu muujiyay iyo talooyinka uusoo jeediyay si xal waara looga gaaro khilaafka la xariira Guddiga Isgaarsiinta Qaranka.

Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee afarta Dowlad Goboleed waxay iyago tixgalinaya muhiimadda helitaanka guddi qaran oo matali karta shacabka Soomaaliyeed kana shaqeya danaha shirkadaha Isgaarsiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, waxay soo jeedinayaan arimahan hoos ku xusan.

1 - Wasaaradaha Boostada & Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyadu waxay aad uga xunyihiin ku adkeysiga wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowladda Federalka Soomaaliya uu ku adkeysanayo Jiritaanka Gudiga Gacan Ku rimiska ah ee uu la tashi la,aanta Magacaabay kana dhega fureystay soo jeedinta Dowlad Goboleedyada dalka iyo tii wasiiru dowlahaba.

Wasiiradu waxay wasiirka xusuusinayaan in dalku leeyahay hanaan siyaasadeed wada tashi iyo awooda qeybsan ku dhisan isla markaana aaney suura gal aheyn in dalku Federal yahay hayadda Isgaarsiinta Qarankuna ka weyn tahay saaxiibtinimo iyo dano gaar ah in lagu saleeyo

2 - In la tixgaliyo goaamadii kasoo baxay shirkii Garoowe Isla markaana laga shaqeeyo sidii la isugu soo dhaweeyn lahaa dhamaan daneeyayaasha Isgaarsiinta dalka

3 - In la tixgaliyo talada Wasiir dawlaha Wasaaradda Isla markaana la xoojiyo fulinta qodobada uusoo jeediyay.

4 - In dhamaan dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah ee Soomaliya isugu Yimaadaan shir muhiim ah oo looga arinsan doono arimaha kor ku xusan kaa oo ay dawlad Goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya marti gelin doonto

5 - Wasaaradaha Boostada & Isgaarsiinta Dowlad Goboleedyadu waxay Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta Koonfurgalbeed Uga mahadcelinayaan gogosha ay u fidisay iyo marti gelinta shirka daneeyayaasha Isgaarsiinta Dalka oo qorshuhu yahay in Baydhabo lagu qabto.

Ugu dambeyn waxaan markale ugu baaqeynaa dhamaan Daneeyayaasha isgaarsiinta dalku inay masuuliyad iska saaaraan badbadinta iyo qalad saxidda dhismaha Hayadda Isgaarsiinta dalka taa oo kaalin weyn ku leh hagaajinta iyo dardargelinta u adeegidda Bulshada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM