Dowladda Soomaaliya oo Sharci darro ku tilmaantay Heshiiska DP World iyo Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaantay Heshiiskii dhanka maamulka iyo ballaarinta Dekedda Berbera ee Somaliland la gashay Shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee DP World.

Heshiiskan oo dhigaya in 19% dhaqaalaha kasoo xarooda Dekedda Berbera ay helayso dowladda Itoobiya ayaa waxaa gaashaanka u daruuray Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mas'uul ka tahay arrimaha Dekedaha dalka, sidaasi darteedna cid aysan heshiis la galin karin Shirkad ama dowlad shisheeye iyadoo aan ka war qabin.

Hadalka Wasaarada Dekeddaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmey xilli uu Ra'iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre Booqasho labo maalmood qaadatey ku tagey dalka Imaaraadka Carabta oo laga leeyahay Shirkadda DP World.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM